Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Laba ka mid ah Gaadiidka Hay’adda Miino-saarka ee Hallo Trust oo lagu Afduubay deegaanka Daba-goryaale ee Gobolka Daad-madheedh.
Wasaaradda Arrrimaha dibedda JSL oo Caawa War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay in Afduubka gaadiidka loo geystay loo galay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, xilli ay safar ku jireen, lana kaxaystay labada Gaadhi iyo Hal qof oo dirawal ahaa, laakiin Dirawalkii la soo daayey Maanta isagoo dhaawac qaba.
Wasaaradda Arrimaha dibedda oo aan War-saxaafadeedkeeda ku xusin dablayda gaadiidka Afduubtay, ayaa sheegtay in Ciidamada amniga Qaranka iyo Booliska deegaanka uu falku ka dhacay wadaan baadhitaan.
War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Arbacadii 9-kii August, laba baabuur oo ay lahayd Hay’adda Hallo Trust oo u kala gooshayay Hargeysa iyo Berbera, ayaa la afduubtay, iyada oo uu la socday mid ka mid ah darawalladii waday, nasiib-wanaag ma jirin cid kale oo uu falkaasi saameeyay, waxaana Maanta la sii daayey dirawalkii isagoo dhaawac ah.
Baabuurtan illaa hadda lagama hayo wax xog, laakiin waxa dhacdadan ku guda jira oo baadhaya ciidamada ammaanka ee dawladda JSL oo ay weheliyaan ciidanka booliska degankaasi.
Dawladda waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyay falkaas.
Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL waxa ay doonaysaa in ay u xaqiijiso dhamaan muwaadiniinta & hay’adaha ajaanibka ah in arrintani ay ahayd fal go’doomin ah, isla-markaana jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera uu yahay mid nabdoon oo ay maalin walba isticmaalaan kumanaan qof.”
Warka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ayaa yimid Maalin ka dib, markii dablayda falkan geysatay farriin aan wanaagsanayn u direen Hay’adaha dalka ka shaqeeya.









