WADDANI & UCID Oo Ka Muquurtay Kulan Oo Madaxweynuhu Iskugu Yeedhay Ururrada Siyaasadda

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay ururrada siyaasadda ee waddanka.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay ku soo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku.

Laakiin, Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ururrada siyaasadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye waxaan ka xaadirin hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in doorashada ururradu dalka ka dhacdo, iyaguna ay ka soo horjeedaan.

Faysal oo shirkiisa jaraa’id ku soo beegay kulanka Madaxweynaha iyo Ururrada siyaasadda, ayaa sheegay in dablayda diiddan ururrada siyaasaddu yihiin wixii ay hore uga digayeen, haddii wax laga qaban waayo oo Madaxweynuhu go’aankiisa ku sii adkaysto ay xaaladdu ka sii darayso.