Fanaankii ‘Tuse Aw Toosiye’ Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Allaha u naxriistee, waxaa Maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay Fanaankii Xasan Ismaaciil Uur-cadde oo ku Magac dheeraa (Tuse Aw Toosiye), kaasi oo habeen hore geeriyooday.

Tuse aw Toosiye oo ahaa fannaan, Abwaan iyo jilaa caan ah, ayaa Ruwaayadaha uu jilay waxaa ka mid ahayd ruwaayaddii caanka ahayd ee ‘If iyo Aakhiro’, taasi oo ku jilay Aktarka koowaad ee Riwaayadda.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka warramay Taariikhdii Marxuumka, ayaa sheegay inuu heestii u horraysay u dhiibay 1968-kii, heestaasi oo caan noqotay.

Wuxuu sheegay in Marxuumku ahaa Nin wanaagsan, Af-gaaban, cibaado badan, muddooyinkii dambana uu ku noolaa Magaalada Hargeysa oo uu ku Geeriyooday, laguna aasay.

Marxuumka oo Maanta lagu aasay Hargeysa, ayaa waxa Tacsi u diray Madaxda Dawladda qaarkood oo ka qayb-galay aaskiisa, waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistii Jano ka waraabiyo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office