Huwanta Laascaanood Oo Ku Kacday Fal Argagax Leh

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood, waxa Toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay dhacdo Argagax leh, taasi oo Dadka deegaanka ku sugani ku sheegeen inay tahay markii saddexaad ee ay halkaa ka dhacdo.

Dhacdadan oo Cadho Alle iyo masiibo ka dhalan karto, ayaa ah in Nin ka mid ah Kooxaha Huwanta ah ee dagaalka kula jira Ciidammada Somaliland uu dil u geystay Nin isaguna ka mid ahaa kooxaha Huwanta.

Arrinta Naxdinta leh ee Dadka deegaanka Wer-werka ku abuurtay, ayaa ah in Jaamac Maxamed Axmed oo dhawaan dilay Saleebaan Dirir Samatar oo ay Huwanta ku wada jireen aan lagu fulin Qisaas ay ku heshiiyeen labada Beelood ee ay soo kala jeedaan, balse Gacan ku-dhiiglihii la qorsheeyay in la Qisaaso si xirfadaysan loogu beddelay nin aan waxba galabsan oo la sheegay inuu ka soo jeeday dalka Itoobiya, halka ninkii Qisaastu ku waajibtayna la siiyey fursad uu ku baxsado.

Qaar ka mid ah Dadka ku sugan Laascaanood oo dhicitaanka falkan ku eedeeyay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay sheegeen inaanu doonayn in Maleeshiyaadka Beeshiisa ee geysta dilalka badheedhka aan la qisaasin, ayaa soo weriyey in Gacan ku dhiiglihii Qisaasta laga baajiyey lagu arkay deegaan ka mid ah gobolka Sanaag, halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayo, si aanay u toogan Maleeshiyaadka ay isku beesha yihiin Ninkii uu dilay.

Dhacdadan oo la weriyey inay tahay sii Saddexaad ee halkaa ka dhacda, ayaa Dadka qaar baraha Bulshada kaga hadleen isla-markaana ku tilmaameen inay cadho Alle ka dhalan karto, maaddaama oo Diinta Islaamku meel adag ka taagan tahay dhiigga Dadka aan waxba galabsan.

Laascaanood oo 8-dii bilood ee u dambeeyay uu ka socdo Dagaal u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland ee difaacaya xuduudaha dalka iyo kooxo Huwan ah oo isku urursaday Laascaanood, ayaa waxa muddadaa gudaha Magaalada Laascaanood ka dhacay dilal badan oo ay geystaan Maleeshiyaadkaas kala beelaha ahi, laakiin qofna Qisaas laguma fuliyo, kii u dambeeyay oo la qorsheeyay in la qisaasana waxa lagu beddelay qof kale oo aan waxba galabsan.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office