Somaliland: Xeerka Xakamaynta Xeerka Madax-dhaqameedka Oo Baarlamaanka Hor-yaalla

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Sanadihii u dambeeyay waxa kor u kacaya tirada Madax-dhaqameedka iyo hadallada ay Warbaahinta mariyaan.

Tirada Madax-dhaqameedka Somaliland oo badatay iyo hadallada ay Warbaahinta mariyaan oo intiisa badan aan tudhaale lahayn isla-markaana marmarka qaar sii tarmiya khilaafaadka siyaasiga ah, ayaa keenay in Dawladdu ka fikirto in la curiyo Xeer lagu dhaqo, si looga hor-tago dhibaato ay dalka u horseedaan.

Xeerkan oo ay Wasaaradda Arrimaha guduhu curisay, ayaa hor-yaalla Golaha Guurtida si loo ansixiyo.

Xeerkaas Golaha hor-yaalla ayaa waxa Maanta faahfaahin ka bixiyey Xildhibaan Axmed Nuur oo ka mid ah Mudaneyaasha G. Guurtida Somaliland.

https://youtu.be/2Bkw2bnTPw8

Dadka amniga ku takhasusay, ayaa sheegaya in Madax-dhaqameedka batay uu saamayn muuqata ku leeyahay khilaafaadka siyaasiga ah, maaddaama oo Inta badan Madax-dhaqameedka oo waajibaadkoodu ku kooban yahay arrimaha Nabadda iyo dhaqanku ay si Daah-furan uga hadlaan arrimaha siyaasadda ee Somaliland, taasina abuurto shaki soo kala dhex gala Siyaasiyiinta iyo Beelaha dalka ka wada deggan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office