Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin ka soo saartay Dagaal Maamulka Puntland qorsheeyay inuu Maalmaha soo socda ku qaado Ciidamada Qaranka ee ku sugan Jiidaha Gobolka Sool.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dagaalka muddada 8-da bilood ka socda Laascaanood uu wado Maamulka Puntland ee Somaliya, imikana uu qorsheeyay Dagaal hor leh oo uu ku soo qaado Somaliland, gaar ahaan Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee aagagga Laascaanood, si uu u sii wado colaadda halkaa ka taagan.
Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidamada uu Madaxweynaha Puntland ugu Talo-galay Inay Somaliland weerarraan ay Caawa ama Jimcaha Berri ka soo dhaqaaqayaan Magaalada Garoowe, laakiin Somaliland ka war qabto, diyaarna u tahay.
Wasiir Kaahin oo Caawa khudbad ka jeediyey Hadhimo-sharafeed uu Wasiirka Warfaafintu Hargeysa ugu sameeyay Hargeysa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha amniga khatarta ku ah ee ka socda Baraha Bulshada isla-markaana ay wadaan dad uu sheegay inay dalka dibeddiisa ku sugan yihiin.
Wuxuu dhallinyarada Somaliland u soo jeediyey inay u midoobaan sidii ay Af iyo addinba dalkooda ugu difaaci lahaayeen.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









