Itoobiya Oo Soo Celisay Damaceeda Dekedda Berbera

0

Berbera (Arabsiyo) – Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo Shalay soo gaadhay Somaliland, ayaa Maanta booqday Dekedda Berbera.

Weftiga Itoobiyaanka ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dr: Alemu Sime, ayaa Berbera gaadhay iyagoo ay wehelinayaan Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Maxamed iyo Masuuliyiin kale.

Weftiga, ayaa toos u tagay Dekedda Berbera, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdillaahi (Cali-casse) iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi.

Soo dhaweynta ka dib, waxay Madaxda Itoobiya halkaa shir kula yeesheen Madaxda Somaliland, sida Wasiirka Gaadiidka, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Badhasaabka oo soo weftiga soo dhaweeyay.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Maxamed, waxaanu sheegay in Dekedda Berbera tahay Deked ay hawlo badan ka socdaan, Jidka Berbera corridor-na uu gebogabo marayo, sidaa darteed ay rejaynayaan in Dekeddu noqon doonto ta inta ugu badan ay isticmaali doonto Itoobiya.

Gebogabadii, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Gaadiidka ee Dawladda Federaalka Itoobiya Dr: Alemu Sime, waxaanu sheegay in ujeeddada ay Berbera u tageen tahay inay kormeeraan oo ay qiimeeyaan Awoodda Dekedda Berbera, Qalabkeeda iyo Xamilkeeda dhinacyada dejinta iyo dhoofinta alaabooyinka.

Waxa kale oo uu sheegay in iyagoo ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya ay Madaxda Somaliland kala hadli doonaan sidii ay qayb uga noqon lahayd Itoobiya ka faa’idaysiga Dekedda Berbera.

Weftiga Itoobiyaanka ah, ayaa la sheegay Inay dalka u yimaaddeen inay Dawladda Somaliland kala hadlaan saamigii 19%-ka ahaa ee Itoobiya ku lahayd Dekedda Berbera, balse Xukuumadd Somaliland meesha ka saartay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office