Laascaanood (Arabsiyo) – Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa khatar geliyey Nafta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha bariga Sool.
Waxa la sheegay in Maleeshiyaadku gelinkii hore ee Shalay ay rasaaseeyeen gaadhiga Garaadka, waxaana halkaa ku Dhintay Mid ka mid ah Ilaalada Garaadka, halka mid kalena ku dhaawacmay, waxaase rasaastaa ka bedbaaday Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo la sheegay inaanu xilligaa gaadhiga la soconin.
Weerarkan ayaa la qariyey, illaa haddana ma jirto cid ka hadashay.
Arrintan ayaa muujinaysa khatarta ay Maleeshiyaadku ku hayaan Madax-dhaqameedka gobolka Sool.









