Baanka Dhexe Oo Hargeysa Ku Qabtay Shir Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Lixdii Bilood Ee La Soo Dhaafay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka furay Shir lagu darsayo Waxyaabihii Baanka u qabsoomay lixdii bilood ee sanadkan ugu horreeyay.

Shirkan waxa ka qayb-galay Madaxda ugu sarraysa Baanka dhexe, sida Guddoomiyaha Baanka dhexe Eng. Cali, Agaasimaha guud ee Baanka Maxamed Qaasim iyo Agaasime-waaxeedyada Baanka dhexe.

Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Baanka dhexe Xamse Xuseen Muuse iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka iyo Warbaahinta Mukhtaar Cumar Cali, waxayna faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada Shirka.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim, waxaanu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho qorshe lagu shaqeeyo.

Waxa kale oo furitaanka Shirka ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Baanka dhexe Cabdiraxmaan Maxamed.

Gebogabadiina waxa halkaas khudbad muhiim ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha Baanka dhexe Eng. Cali Cabdillaahi Daahir

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office