Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay ahmiyadda Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u leedahay Midnimada Somaliland iyo in Gobolka Sool Nabaddiisa laga shaqeeyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey Casuumad uu Maanta Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin u sameeyay Faratoon, ayaa sheegay In doorashada Faratoon la micno tahay in Somaliland ka hor tagtay in Laascaanood ka tagto Somaliland isla-markaana ay Gacanta ku sii adkaysatay.
Wuxuu sheegay in Guddoomiye Faratoon uu Hormood u noqon doono dedaallada Nabad ku soo dabbaalidda Laascaanood, isagoo Shacabka ka codsaday in qof walba doorkiisa ka qaato sidii dadka Laascaanood loo soo dhaweyn lahaa.









