Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Fadhi Ka Yeeshay Xil Ka Qaadista Cabdirisaaq Khaliif

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta yeeshay fadhi gaar ah, kaasi oo Albaabadu u xidhnaayeen.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Siciid Giire, ayaa Xildhibaannadu waxay diiradda ku saareen maqnaanshiyaha Guddoomiyaha Golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo sidii go’aan looga gaadhi lahaa.

Waxa la sheegay in Xildhibaannada qaarkood danaynayeen inay Golaha ka dhex sheegaan In Cabdirisaaq Khaliif oo Dacwad laga gudbiyey imanayo Hargeysa, laakiin maaddaama oo xildhibaannada kale badankoodu doonayaan in xilka laga qaado la isku raacay in Khaliif isaga oo maqan laga qaado Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, maaddaama oo haddii Maxkamadda sare ka qaaddo uu Goluhu waayayo Sumcaddii iyo Haybaddii uu lahaa, si uu Goluhu u ilaashado Heybaddiisana uu qaatay go’aanka ah in xilka laga qaado Khaliif.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo markii Colaadda Laascaanood bilaabantay loo xil-saaray inuu waan-waan la bilaabo Garaaddada Beeshiisa, ayaa iyaga la saftay, isla-markaana Warbaahinta ka sheegay hadallo lid ku ah qarannimada iyo Madax-banaanida Somaliland, taas baana keentay in Xeer-ilaalinta guud ee Somaliland dacwad isaga ka dhan ah u gudbiso Maxkamadda Sare, waxayna dalbatay xeer-ilaalintu in xilka laga qaado.

Eedaha loo haysto Khaliif, ayaa waxa ka mid ah inuu Ciidamada Qaranka ee difaacaya Xuduudaha Somaliland ku eedeeyay inay xasuuq ka geysteen Laascaanood, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Ciidamada, maaddaama oo Ciidanku ay gudaha Magaaladaas kula dagaalamayaan Ciidamo ka socda Puntland, Al-shabaab iyo Maleeshiyo-beeleedyo xuduudka ka soo tallaabay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office