Hay’adda USAID Oo Itoobiya Ku Eedaysay In Askarteedu Leexsatay Raashin Gargaar Ah

0

Addis Ababa (Arabsiyo) – Masuuliyiinta dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay hay’adda Horumarinta gargaarka Caalamiga ah ee Marykanka (USAID) in ay sumcad xumo u geysatay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale ciidamada ka dib markii ay hay’addu sheegtay in ay heshay warar ku saabsna in la leexsaday raashinka mucaawinada ah ee ay dadka u baahan yihiin.

War qoraal ah oo oo saxaafadd la siiyay maantay, wasiirka Isgaarsiinta, Legesse Tulu ayaa sheegay in eedeeynta USAID aanay wax iskaashiya ama talo ah aanay kala yeelan hay’adaha dowladda, welina ay baaritaannadu socdaan.

“Eedda ay USAID ku eedayneyso dowladda waa mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” marka ay hay’ad samafal oo iyadu maamuleyso qeeybinta iyo gacan ku haynta gaarsiinta gargaraarka ee deegaanadaas ay haddana tiraa in ay goob joog ka ahayd weecinta gargaarka” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Legesse.

Horaantii todobaadkan, USAID iyo WFP waxay joojiyeen gargaarkii cunto ee ay siin jireen Itoobiya halkaas oo ku dhawaad ​​labaatan milyan oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaarka bini’aadannimo sabab la xiriira colaadaha iyo abaaraha. Legesse ayaa hakinta gargaarka ku tilmaamay mid “siyaasadeed”.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office