Kampala (Arabsiyo) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uu ku dhacay xanuunka Covid-19, ka dib markii mid ka mid ah saddex baadhitaan oo lagu sameeyay ay natiijadiisu soo baxday.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu is karaantiilay, isagoo Arbacadii laga helay cudurka Coronavirus.
Mr Museveni, oo khudbad ka jeedinayay khudbaddii qaran ee Arbacadii shalay, ayaa sheegay in uu ku dhacay hargab yar, taasoo keentay in la tijaabiyo.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka, Diana Atwine, ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay ku dhaceen astaamo u eg hargabka oo fudud, balse uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna sii wadan doono shaqadiisa.
Waxay sheegtay in Madaxwaynuhu uu u hoggaansami doono habraacyada hawlgalka caadiga ah ee kiisaska Covid-19 inta uu gudanayo shaqadiisa.
Uganda waxay lahayd qaar ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee Afrika si loo xaddido faafitaanka fayraska oo ay ku jiraan bandoo xilliyo dheer ah iyo xidhitaanka iskuulada iyo ganacsiyada, laakiin xanuunka Madaxweynaha ayaa muujinaya inuu Caabuqa Covid_19 uu Uganda ku soo laba kackeeyay.









