Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay Baaq ka soo baxay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.
Bayaan Xalay ka soo baxay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, ayay ku soo dhaweyeen dedaallada lagu soo afjarayo dhibaatada ka ataagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Golaha amaanku soo dhaweynayo doorka Itoobiya iyo Soomaaliya ee xal u raadinta Colaadda Laascaanood, laakiin waxay ku baaqeen In Somaliland Ciidankeeda ka saarto Lascanod.
Hase-yeeshee, Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland oo soo saartay War-saxaafadeed jawaab u ah bayaankaasi, ayaa Somaliland waxay walaac kaga muujisay sida Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu iskaga Indho-tiray in dagaalka Laascaanood ay qayb ka tahay Kooxda Al-shabaab, taasi oo ku fidisay Gobolka Sool, khatarna ku ah amniga Waddamada Gobolka Geeska Afrika.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo Arabsiyo News u rogtay Afka Soomaaliga, ayaa u qornaa sidan “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo dhawaynaysaa war-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee ku saabsanaa joojinta colaadda, abuurista xaalado nabadeed, gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo dejinta xaaladda Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan sidoo kale rabnaa in aan muujino in Walaacyada Golaha amaanka Qaramada Midoobay ay muuqato in si khaldan loogu sheegay xaqiiqda dhabta ah, waayo? 26-kii February 2023, ciidamada Somaliland ayaa isaga baxay Laascaanood, waxaana tan iyo xilligaas ay difaac adag ku leeyihiin meel ka baxsan magaalada Laascaanood.
Ciidamada Somaliland ayaa si adag uga hortagay in ay waxyeelo soo gaadho dadka rayidka ah, waxayna ilaashadaan difaacyada ay kaga hortagayaan ciidamada maleshiyada.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka walaacsan go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku gacan-saydhay in Al-shabaab ay si xawli ah ugu fidayaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ee Somaliland.
Taasi khatar kuma aha Somaliland oo keliya ee waxay khatar ku tahay dalalka aynu jaarka nahay, Soomaaliya, Itoobiya, iyo Jabuuti iyo weliba gobolka oo dhan.
Warqad aan u dirnay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuna taariikhaysan 12-ka April 2023, waxaanu ku wargelinay khatarta Al-shabaab ee ku soo badanaysa Laascaanood iyo Gobolka Sool.
Ma jirto dawlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dawladda Somaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan wax ka qabashada khatartan isa soo taraysa.
Xukuumaddayadu waxay ku baaqday in la wada-hadlo inta uu dagaalkani socdo, nasiib daro, baaqyadaas may aqbalin madaxda beelaha Laascaanood.
Intii ay dagaalladaasi socdeen, Somaliland waxa ay (ogolaansho) siisay hay’ado caalami ah oo gargaar bini’aadantinimo gaadhsiiya dadkayaga ku nool magaalada Laascaanood, waxaanay fududaysay in la gaadhsiiyo agabka caafimaadka.
Dawladdu waxay si joogto ah cunto, biyo, iyo dawooyin u gaadhsiisay dadka ka barakacay dagaalka ee ku sugan degaannada ka baxsan Laascaanood.
Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool waxa ay ilaalinayaan dadka, Madax-bannaanida iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku jira xuduudaha la aqoonsan yahay ee wakhtigii aanu xornimada qaadannay.
Xuduudahayaga caalamiga ahi waxay waafaqsan yihiin qodobka 4aad ee Xeerka Midowga Afrika oo ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.
Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo hurinaya colaadda.
Waxaa muuqata in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.
Sida kaliya ee lagu xalin karo colaadda Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood.
Waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan bilowga dedaallada nabadeed.”









