Jabuuti Oo Ka Walaacsan Markab Xambaarsan Shidaal Ka Badan 1 Milyan Oo Foosto

0

Jabuuti (Arabsiyo) – Dawladda Dalka Jabuuti, ayaa walaac xooggan ka muujinaysa markab nooca qaada shidaalka ah oo ku xayiran xeebta magaalada Xudayda ee dalka Yemen.

Dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan mandiqadda ayaa ka cabsi qaba in shidaalkaasi ku daato bii’ada, masiibana ay ka dhalato.

Markabkan oo illaa sannadkii 2016-kii halkaa ku xayirnaa ayaa xambaarsan 1 Milyan iyo 140 kun oo Foosto oo Batrool ah.

Dawladaha Gobolka Geeska Afrika iyo Qaramada Midoobay oo is kaashanaya ayaa doonaya in Shidaalka Markabkaa saarani aanu ku daadan badda, sidaa darteed ayaa waxa Dekedaha Jabuuti ku xidhay 3 Markab oo Qaramada Midoobay ugu Talo-gashay in lagu wareejiyo Shidaalka uu sido Markabka ku xayiran Xeebaha dalka Yemen.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay Markabkan, ayaa sheegay inay khatar weyni ka soo fool leedahay, haddii aan deg-deg looga hawl-gelin bedbaadintiisa.

Markabka Xayiran, ayaa ah ka ugu weyn Maraakiibta qaada Shidaalka ee Adduunka oo dhan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office