Somaliland Iyo Dalal Kale Oo Hambalyo Qadin Ah Diray Erdogan

0

Turkey (Arabsiyo) – Doorashadii ku celiska ahayd ee Maanta ka dhacday Dalka Turkiga, ayaa la soo gebogabeeyay.

Wararka rasmiga ah ee ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Erodgan uu helay 54.47% codadkii la dhiibtay, iyada oo in ka badan kala badh sanaadiiqda cod bixinta la tiriyay.

Guddiga doorashada Turkiga, ayaan weli shaacin natiijo rasmiya oo sheegaysa Musharraxa Guulaysta, laakiin Iyadoo laga qiyaas qaadanayo Codadka la tiriyey inta uu ka helay Erdogan, ayaa waxa durba hambalyeynaya Madax ka socota dalal kala duwan, kuwaas oo u hambalyeyay Madaxweynaha haya talada Turkiga.

Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Walaalkeyga qaaliga ah Recep Tayyip Erdogan waxaan kuugu hambalyeynayaa guushaada, waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato xilkaaga cusub”.

Raysal-wasaaraha Dalka Hungary Viktor Orban ayaa sidoo kale bogaadiyay guul “shaki la’aan ah” oo ay gaadheen xulafada Erdogan.

Sidaasi oo kale, Dawladda Somaliland, ayaa dhambaal Hambalyo ah u dirtay Madaxweyne Erdogan.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa qoraal uu ku baahiyey Twitter-ka ku yidhi “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Erdogan dib u doorashadiisa Maanta. Waxa kale oo aan u hambalyeynayaa shacabka Turkiga oo aan mar keliya Codkooda dhiiban, balse laba jeer codeeyay. Hoggaankii aad dalkiina iyo dadkiina u dhiibteen waa mid u muuqda in dunidu aragto. Hambalyo Madaxweynaha la doortay.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan oo la laftiisu la hadlay Taageerayaashiisa, ayaa u Mahad-naqay Dadka Turkiga oo uu sheegay Inay wada guulaysteen.

Hadalka Erdogan, ayaa imanaya iyadoo weli la tirinayo Codadka doorashada, Musharraxii la tartamayeyna uu haysto 48% boqolkiiba, inkasta oo aan la qabin Rejo ah in Musharraxa Mucaaradka matalayaa uu keeno codad cidhiidhi geliya Erdogan.

Rasmi ahaan, haddii Guddiga doorashooyinku ku dhawaaqaan in Erdogan guulaystay wuxuu xilka sii hayn doonaa 5-ta sano ee soo socda.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office