Xildhibaannada Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Xaaladda Biyaha Ee Magaalooyinka Dalka

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Fadhigoodii Maanta dood ka yeeshay Xaaladda Biyaha ee Magaalooyinka dalka.

Fadhigan oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Xildhibaannada ka qayb-galay waxay si gaar ah doodahooda ugu saleeyeen Biyo-gelinta Caasimadda Hargeysa, waxayna qaarkood sheegeen in Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay wax badan ka qabatay biyo-ballaadhinta Caasimadda, hase-yeeshee waxay dhaliileen Siyaasadda ay adeegsato Marka uu Qof doonayo inuu Gurigiisa biyo soo gashado, waxayna sheegeen in nidaamkaasi uu Muwaadiniinta dhib ku yahay, haddana aan la qarin karin dedaalka ay Wakaaladdu samaysay muddooyinkii u dambeeyay.

Xildhibaano kale oo doodda ka qayb-galay, ayaa Maamulka Wakaaladda Biyaha u soo jeediyey inay ka Taxadaraan Qalabka ay ku samaynayaan Biyo-ballaadhinta, sida Beebabka waaweyn ee Biyaha u kala gudbiya Xaafadaha Caasimadda, maaddaama oo sida ay sheegeen ay xilligan Wakaaladdu adeegsanayso Beebab Caag ah oo waxyeelo soo gaadhi karto haddii gaadiidka birta culus dul-maraan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office