Doorashada Ku Celiska Ah Ee Madaxweyne-nimada Turkiga Oo Maanta Dhacday

0

Ankara (Arabsiyo) – Doorashada ku celiska ah ee Madaxweynaha Turkiga oo horseedi karta in Erdogan in uu xukunka dalkaasi sii dheereysto ayaa Maanta ka dhacday Turkiga, taas oo uu kaga hortagayo hoggaamiyaha axsaabta mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo ee xiliiga Turkiga, waxayna dhamaatay 5-tii galabnimo ee Maanta.

Waxaa la filayaa in natiijadu soo baxdo fiidkii hore ee Caawa wakhtiga maxaliga ah ee Turkiga.

Goobaha codbixinta ayaa lagu soo waramayaa in meelo badan ay ka saxmad yaraayeen laba todobaad ka hor siday ahaayeen, markaas oo dadka u soo baxay ay ahaayeen 89%.

Erdogan, oo 69 jir ah, ayaa ku dhawaad 5% ku hoggaamiyay ninka la tartamayey Kemal Kilicdaroglu wareegii koowaad ee doorashadii 14-kii May, laakiin waxa uu wax yar ka hoos maray inuu ka fogaado wareeg labaad.

Sida ay qortay Reuters, Erdogan ayaa si lama filaan ah u soo bandhigay awoodda uu ku dhex leeyahay codbixiyeyaasha, isaga oo guul kasoo hooyay doorashadii baarlamaanka ee isbahaysigii xisbiga AK Party oo ku guuleystay aqlibiyadda Baarlamaanka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office