Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay Dan u tahay Shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, isaga oo daba socda hadal uu Toddobaadkii hore Warbaahinta ka sheegay Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa in Somaliland ka noqotay heshiiskii Midnimada ee Lixdankii, Madax-banaanideeduna sax ahayn, ayaa sheegay inaan la ansixin heshiiskii Midnimada ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse Somaliland oo ah Qaran Madax-banaan uu si iskii ah ugu biiray Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Bishii June ee 1960-kii, Somaliland waxay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya, waxaana xilligaa la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hase ahaatee, lama ansixin (Isku Biiriddaas)..”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “1991-kii, waxaynu la soo noqonay Madax-banaanideenii Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasna waxay dani ugu jirtaa labada ummadood (ee Somaliland iyo Soomaaliya) inay si gaar gaar ah isku Maamulaan..”