Garoowe (Arabsiyo) – Gudiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay ka mid tahay Garowe, sababa la xidhiidha xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in fursad la siinayo wada-hadallada lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha ka jira doorashada.
Saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah, Garowe, Dangarayo iyo Godob-jiraan, kuwaas oo hoos yimaadfa gobolka Nugaal.
Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta doorashada ka soo horjeeda ayaa hor istaagay in qalabka doorashada la geeyo degmooyinkan, sidoo kalena waxay ku hanjabeen inay carqaladeynayaan goobaha doorashadu ka dhacayso.
Marka laga reebo saddexdan degmo, guddiga ayaa sheegay in degmooyinka kale ee Puntland ay berrito ka dhici doonta doorashada dowladaha hoose.
Guddiga doorashada waxay sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan taariikhda la qaban doono doorashada la hakiyey ee saddexda degmo.