Soomaaliya: Taliyihii Ciidanka Garoonka Diyaaradaha Ee Garoowe Oo La Dilay

0

Garoowe (Arabsiyo) –  Sarkaal Ciidan oo hore u soo noqday taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ee Soomaaliya, ayaa lagu dilay magaalada Garoowe.

Waxa la sheegay inuu u geeriyooday tacshiirad ay ku fureen maleyshiyaad ka amar qaata siyaasiyiinta diidan doorashada Puntland.

Xiddige Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay xilliga uu falka uu dhacay inuu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faahfaahin oo laga helayo dilkiisa.

Dilkan ayaa muujinaya Heerka amniga Puntland marayo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office