Muqdisho (Arabsiyo) – Ciidammada Sirdoonka ee Dawladda Soomaaliya, ayaa Dekedda Magaalada Muqdisho ku qabtay laba Koontiinar oo ay ku jireen Qalab Ciidan iyo Waxyaabaha loo adeegsado Qaraxyada.
Qalabkan oo ay ku jiraan diyaaradaha yaryar ee loo adeegsado Qaraxyada, budada laga sameeyo waxyaabaha Qarxa, Qalabka Habeenkii wax lagu arko, Qalabka meelaha fogfog ka haga Miinooyinka Waddooyinka la dhigo, Dirays Ciidan iyo waxyaabo kale oo khatar ah oo ay ka mid yihiin Isgaadhsiinta Satelite-ka ku xidhan, ayaa waxa gacanta ku dhigay Ciidamada amaanka ee Soomaaliya, ka dibkii Laanta Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ku war-gelisay.
Qalabkan la qabtay, ayaa waxa ka soo baxaya Warar kala duwan, kuwaasi oo ku xidhiidhsan Cidda lahayd iyo halka la doobayey in la geeyo.
Xogaha Arabsiyo News heshay, ayaa sheegaya in marka koowaad qalabkan laga soo iibsaday Shirkad Magaceedu yahay Two Way Communication, taasi oo Xafiiskeeda guud ku yaalla Uk, balse Faracyo ku leh dalal Kenya ka mid tahay.
Waxa la sheegay in Qalabkan oo Dalab Dawladeed oo keliya lagu iibiyo uu soo iibiyey Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, lagana soo iibiyey faraca Shirkadda Two Way Communication ee Dalka Kenya, qorshuhuna ahaa in loo gudbiyo Kooxaha Argagixisada ah ee Dawladda Somaliland kula dagalaamayso Magaalada Laascaanod.
Arabsiyo News oo helay Warqadda Qaan-sheegta ah ee Shirkadda lagaga soo iibiyey qalabkan, ayaa ogaatay in Qalabkan ay dalbadeen Kooxaha Al-shabaab ka tirsan ee ku sugan Laascaanood, kuwaasi oo doonaya hab ay ku gaadhi karaan Saldhigga Ciidamada Qaranka ee Gooja-cadde ee duleedka Magaalada Laascaanood, isla-markaana ay is tuseen qorshe ah inay diyaaradaha yaryar ee Qaraxyada Xambaara u adeegsadaan weerarkooda Gooja-cadde, kuwaasi oo ka mid ah Qalabka ay dalbadeen ee la qabtay.
Maleeshiyaadka isku urursaday Laascaanood oo xilligan dagaalyahannaada kooxda Al-shabaab ugu firfircoon yihiin, ayaa doonistooda ugu weyni tahay sidii ay mar uun u gaadhi lahaayeen Saldhigga Gooja-cadde, waxayna isku dayayaan si kasta oo arrintaasi ugu suurto-geli karto, hase-yeeshee Ciidamada Qaranka Somaliland oo leh Sirdoon gaar ah, ayaa dhaqdhaqaaq walba la socda, kana hor-tagaya.
Dhinaca kale, Garaaddada Laascaanood dhibaatada ka wada oo la sheegay in Dawladda Soomaaliya ugu yeedhay Muqdisho, ayaa la rumaysan yahay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho inay Dawladda Xasan Sheekh kala hadlaan sidii saanaddaa Ciidan ee Argagixisadu soo iibsatay loogu soo wareejin lahaa.
Dawladda Somaliland oo isha ku haysa Qalabkan la qabtay, ayaan weli ka Hadal dhaqdhaqaaqyada socda oo dabcan khatar ku ah Amniga Dalka Somaliland, wallow aan la hubin inay arrintan kala hadashay Dawladda Kenya, maaddaama oo dalkeeda laga soo iibiyey.