Somaliland Oo Qabatay 54 Xubnood Oo Al-shabaab Ah

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay Bilihii u dambeeyay ay qabteen Dad ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Ciidammada Booliska oo heegan buuxa ugu jira amniga Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa bilihii u dambeeyay qabtay 54 Xubnood oo la sheegay Al-shabaab ka mid yihiin, kuwaasi qorshaynayey Weerarro lid ku ah amniga Qaranka Somaliland.

Sidan waxa lagu sheegay War-bixin guud oo Taliyaha Ciidamada Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) uu xaaladda amniga ka siiyey guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida.

War-bixintan oo sidoo kale lagu faahfaahiyey Xaaladda amni ee guud ahaan Somaliland, ayaa waxa soo bandhigay Guddiga joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland.

Dadka loo qabtay Al-shabaabnimada, ayaa waxa ugu dambeeyay 2 Xubnood oo la qabtay 2-kii May ee sannadkan 2023.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office