Laascaanood (Arabsiyo) – Dawladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay casuumaad u fidisay Isimada Beesha Dhulbahante, si ay u tagaan magaalada Muqdisho.
Sida xogtu sheegayso, Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa inay Muqdisho shir gaar ah kula yeelato Garaaddada Laascanod, si looga wada hadlo xaaladda magaalada Laascaanood.
Wasiirka isgaadhsiinta dowladda federalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, oo tagay magaalada Laascaanood Shalay, ayaa lagu soo warramayaa inuu Isimada u gudbiyay casuumaada Dowladda Soomaaliya.
Lama oga in Isimada Dhulbahante ay aqbaleen casuumaada Dowladda Soomaaliya, maaddaama oo hore ay ugu qaybsameen inay tagaan Muqdisho.
Laakiin, Markii Warkani soo baxay waxa ka cadhooday Dadweynaha ay Madax-dhaqanka u yihiin Xubnaha looga yeedhay Muqdisho.
Dadweynaha xilligan ku dayacan banaanka Laascaanood, oo aaminsan in Dawladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh hoggaamiyaa ka gaabsatay arrimaha Laascaanood, ayaa dareenkooda ku soo bandhigaya Baraha Bulshada, iyagoo qaarkood markiiba soo tebiyeen sida ay khaladka ugu arkaan in Garaaddadu tagaan Muqdisho, maaddaama oo Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisu si cad u sheegeen in arrinta Laascaanood u taallo Dawladda Somaliland, maaddaama oo ay Magaaladaasi Juquraafi ahaan ka mid tahay Somaliland.
Dadka dareenkooda soo bandhigay qaarkood, ayaa soo jeedinaya in la dilo Garaadka isku daya inuu ajiibo Casuumadda Dawladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Marti-qaadka Dawladda Soomaaliya fidisay, ayaa durba khilaaf ka dhex abuuray Garaaddada Dhulbahante, waxaana qaarkood ka soo horjeedaan Inay aqbalaan Casuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo u arka inaanu dhexdhexaad ka ahayn waxa ka socda Laascaanood, halka qaarkoodna aaminsan yihiin in la aqbalo, iyagoo u arka fursad ay Dawladda Somaliya ugu soo bandhigi karaan tabashada ay ka qabaan Dawladda Somaliland.
Isku soo wada duuboo, khilaafka Madax-dhaqameedka Dhulbahante iyo dareenka Shacabka Tabaalaysan kaga soo horjeedaan Qorshaha Dawladda Soomaaliya, ayaa muujinaya jaho-wareer ku dhacay Hoggaanka dhaqanka Bariga Sool iyo in Dadka Shacabka ahi ka aamin baxeen, maaddaama oo taladoodii hore ay ka dhalatay dhibaatada Maanta ka taagan Laascaanood, waxayna ku Talinayaan in Garaaddada lagu sameeyo waxay ugu yeedheen ‘Anshax marin’









