Oslo (Arabsiyo) – Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Wefti ay hoggaaminayso Ergayga Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Magaalada Oslo oo uu hoggaaminayo Safiirka Somaliland ee Norway Maxamed Aadan Liilan iyo Xoghayaha Safaaradda Cabdirixiin Axmed, ayaa soo dhaweeyay Weftiga ay hoggaaminaysay Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Soo dhaweynta ka dib, Marwo Edna ayaa u Mahad-celisay jaaliyadda Somaliland ee soo dhaweysay, Intaasi ka dib weftiga waxa loo gelbiyey goobta loo qorsheeyay inay degaan Muddada ay halkaa ku sugnaanayaan.

Weftiga ay hoggaaminayso Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland, ayaa waxa u qorshaysan inay kulamo la yeeshaan Madax ka mid ah Dawladda Norway, si ugala hadlaan arrimo khuseeya Somaliland iyo qadiyadeeda.








