Dagaal Dhacay Iyo Ciidammada Qaranka Oo Qabsaday Qayb Laascaanood Ka Mid Ah

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Dagaal Culus, ayaa Maanta ka dhacay Aagagga ku dhow Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Dagaalkan oo ka dhacay Saddex Aag oo kala duwan, ayaa dhex maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah ee deegaanka, Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isku Urursaday Magaalada Laascaanood.

Dagaalkan oo isku mar ka dhacay Aagagga kala ah Dhaban-saar, Maraaga iyo Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Laascaanood, ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland ay ka gaadheen Guulo waaweyn, waxayna Jab weyn gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood, kuwaasi oo weerarray fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee Jiidaha Dhaban-saar, Maraaga iyo Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Laascaanood.

Wararka halkaa soo gaadhay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadku ay gelinkii hore ee Khamiista Maanta weerarreen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Dhaban-saar, Maraaga iyo Galbeedka Laascaanood, gaar ahaan Aagga Kaantaroolka laga galo Magaaladaasi, iyaga oo aaminsan in Ciidamada Qaranka badankoodu ku mashquulsan yihiin Xuska 18-ka May, dhibna geystaan. Hase-yeeshee Ciidamada Qaranka JSL oo ka sii war qabay Weerarkooda, ayaa Cagta mariyey Maleeshiyaadkii 3-da Aag weerarka ka soo qaaday.

Waxa la sheegay in Ciidamada Qaranku ay gubeen gaadiid badan oo Tikniko ah oo ay Nabad-diidku wateen, halka qaar badana ay Ciidanku ka qabsadeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, In Ciidanka Qaranku ay Maleeshiyaadka dib ugu celiyeen gudaha Magaalada Laascaanood, taasi oo keentay In Ciidanku ay boqolkiiba 70 qabsadaan Magaalada Laascaanood.

Wararka Saacadihii u dambeeyay halkaa naga soo gaadhay, ayaa sheegay in Ciidanku si buuxda Gacanta ugu dhigeen inta badan Magaalada Laascaanood, halka Maleeshiyaadkii ka soo firxaday Furimaha dagaalkuna ay ku dhuumaalaysanayaan qaybo ka mid ah Magaaladaasi.

Qabsashada Ciidamada Qaranka ee inta badan Magaalada Laascaanood iyo Culayska uu saaray Maleeshiyaadka, ayaa keentay in loo wer-wero amniga Garaaddada halkaa ku sugan, waxaana la soo weriyey in Maleeshiyaadku xaalkoodu uu ku soo ururay inay yidhaahdaan “Garaaddada amnigooda ha la sugo..”

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii Maanta, ayaa sheegtay in Maleeshiyaadka Degaanka Laascaanood, Puntland iyo kooxaha Argagixisada ahi ay weerar qorshaysan ku soo qaadeen ciidamada Qaranka ee ku sugan jiidda Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxday wasaaradda gaashaaandhiga JSL ayaa lagu sheegay in kooxo huwan ahi ay weerarka soo qaadeen xili ciidamadu ay shacabka Somaliland la qaybsanayeen dabaal-degga munaasinadda 18 May, laakiin la jabiyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi “Ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah galbeedka magaalada ee Xargaga, bariga magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland, waxay la kulmeen jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer..”

Ugu dambayn, dagaalka Laascaanood oo gelinkii dambe dib u qarxay, ayaa wixii ka dambeeyay 5-tii galabnimo ee Maanta si teel-teel ah u socday.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office