Khartuum (Arabsiyo) – Duqeymo xagga cirka ah, ayaa lagu garaacay magaalada caasimadda u ah dalka Suudaan ee Khartuum, inkasta oo ay jirtay xabbad-joojin loogu oggolaanayey dadka rayidka ah iney baxsadaan.
Ciidanka militariga, ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen magaalada, si ay baabi’iyaan kooxaha ka soo horjeeda ee ciidamada deg-degga u hawl gala ee (RSF).
Dagaalka ayaa sii xoogeystay, iyadoo dhinacyada dagaalama ay qolo waliba sheeganayso in ay doonayaan iney la wareegaan goobo kale oo cusub.
In ka badan 500 oo dhimasho ah, ayaa la soo sheegay, iyada oo tirada dhabta ah ee dhaawaca ah la rumeysan yahay inay intaas ka badan yihiin. Malaayiin qof, ayaa weli ku xayiran magaalada Khartuum.
Taliyaha ciidamada Jeneral Cabdulfataax Al-Burhan iyo madaxa RSF ee Jeneral Maxamd Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaano Xamati, ayaa ku loolamaya awoodda – waxayna si gaar ah isugu khilaafsan yihiin qorshaha ciidanka RSF loogu biirinayo ciidanka guud ee dalka Sudan.
Jeneraaladu ayaa waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin si dadka looggu fidiyo gargaar bini’aadantinimo.
Dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, ayaa waxaa sameeyey waddamada deriska ah, Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay. Xabad joojinta xiligeeda, ayaa la kordhiyey, laakiin ma ay qaban.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan dalalka Sucuudiga iyo Mareykanka ee dhex dhexaadinayey heshiiska la gaadhay, sida uu sheegay ciidanku.
Dalka Sudan, ayaa wuxuu haatan dhex muquurayaa dagaal sokeeye, iyadoo ganacsadaha u dhashay Suudaan, sidoo kalana samafalaha ah Mo Ibrahim, uu tilmaamay inaan la aqabalin in aanay faraha ka bixin colaadda Sudan, oo ay ku faafto mandiqadda.









