Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.
Dhambaal Hambalyo ah oo uu Madaxweynuhu u diray Shaqaalaha Somaliland, 1-da May oo ku beegan Maalinta Shaqaalaha Adduunka, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay Madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan.”









