Sababta Somaliland Xayiraadda Uga Qaadday Idaacadda BBC-da

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xayiraaddii ka hawlgalida dalka ka qaaday laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in ay ka wada-hadleeen xalinta khilaaf ka soo kala dhex galay Idaacada BBC-da

Qoraalka uu Wasiirka Warfaafintu Xayiraadda kaga qaaday Idaacadda BBC-da, ayaa u qornaa sidan-

Ujeeddo: Xayiraad ka Qaadida laanta afka soomaaliga ee Idaacada BBC-da Mudanayaal

Wada-hadal iyo kulamo dheer oo aan wada yeelanay BBC-da qayhteeda afka Soomaaliga, kulamadaas oo aan ku qaadanay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo shirar kale oo ay wada yeesheen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxa aanu ka wada hadalnay oo aan meel isla dhignay xalinta khilaafkii soo taxnaa ee u dhexeeyay Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Laanta afka Soomaaliga ee BBC da.

Sidaas daraadeed waxa aan kugu wargelinayaa in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2023- aan ka qaadnay xayiraaddii ka saarnayd ka hawlgalida gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaaliga.

Sidaa Iyo Wada Shaqeyn Wanaagsan.

Allaa Mahad leh.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL

Saleebaan Yuusuf Cali Koore.”