Beledweyne (Arabsiyo) – Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden, ayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee Dalka Soomaaliya, gaadhsiisay kaalmo kala duwan oo uu u baahna Cisbitaalka Baledweyne.
Qalabkan Caafimaad ee la gaadhsiiyay Cisbitaalka Baledweyne ayaa isugu jira Kumbiyuutaro, Sariiro, Furaashyo iyo agab kale Caafmaad oo muhiim ah.
Agaasimaha guud ee Cisbitaalka magaalada Baledweyne Dr. Saleebaan Cabdi Cali oo gudaha Cisbitaalka kula wareegay agabkan Caafimaad ee Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Swedan ugu deeqeen Cisbitaalka ayaa si weyn uga mahadceliyay kaalmada Caafimaad ee lasoo gaarsiiyay.
“Waxaa na soo gaadhay agab Caafmaad oo kala duwan oo uu Cisbitaalka baahi weyn u qabay, kaas oo ina soo gaadhsiyeen walaalaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Swedan, waan uga mahadcelinayaa garashadooda, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo waqti ku bixiyay in gargaarkaan uu soo gaadho Cisbitaalka Baledweyne” ayu yidhi Dr Saleebaan Cabdi Cali.
Wuxuu sidoo kale xusay Dr. Saleebaan Cabdi Cali inay jiraan Cisbitaalo kale oo ku yaalla gobolka Hiiraan oo baahan qalab Caafimaad oo noocan oo kale ah, isagoona dalbaday Jaaliyadda Somaliland ee Swedan iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed in wixii ay ka karaan inay la soo gaadhaan Cisbitaalada kale ee gobolka Hiiraan.
Gabagabadii agabkaan muhiimka ah ee lasoo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Isbitaalka weyn ee Baledweyne uu wajahayay mudooyinkii dambe baahi la xariirta dhanka agabka Caafimaadka.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









