Wararkii U Dambeeyay Ee Dagaalka Suudaan

0

Suudaan (Arabsiyo) – Dagaal ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah Dalka Suudaan, sababta oo ah waxaan si dhamaystiran u dhaqan-gelin xabbad joojin ahayd 72 saacadood oo hore loogu dhawaaqay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay meel u dhow xarumaha TV-ga iyo idaacadaha.

Shidaal la’aan iyo dhaqaatiir la’aan ayaa jirta, dadkuna waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo lacag

Taliyaha ciidamada millitariga ah ee Suudaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ansixiyay in la kordhiyo xabbad joojinta oo ku eg maalinta Jimcaha taasoo ahayd muddo 72 saacadood ah.

Gen Cabbdel Fattax al-Burhan ayaa oggolaaday markii hore soo jeedinta ka timid urur goboleedka IGAD, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Soo jeedintu waxay u muuqatay in ergo ka socota ciidamada Suudaan iyo kooxda ka soo ciidamada gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano (RSF) loo diro magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan si ay wadahadal u yeeshaan.

Xabbad joojintu waxay bilaabatay saqdii dhexe ee isniintii taasoo keentay hakad ku yimid iskahorimaadkii qarxay 15kii April iyada oo uu jiro loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya Taliyaha militariga Sudan Janaraal Cabdel Fatax alburhaan iyo taliyaha xoogaga RSF.

Dadka ku nool Khartuum iyo Omdurman waxaa ku adag inay helaan biyo nadiif ah, cunto iyo sidoo kale kharashaad ama lacag caddaan ah, sida ay sheegayaan Weriyeyaasha halkaa ka soo warramayaa.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office