Muqdisho (Arabsiyo) – Dawladda Norway, ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadanayso Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayo inay dhawaan dib u bilaabmaan.
Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la kulmay Ergayga Norway u qaabilsan Wada-hadallada iyo dib u heshiisiinta Heidi Johansen, ayaa ka warramay waxyaabaha ay kaga wada-hadleen kulan ay yeesheen.
War qoraal ah oo Cabdikariin Xuseen Guuleed ku faahfaahiyey kulanka uu la yeeshay Masuulka Reer Norway, ayaa u qornaa sidan “Waxaan maanta kullan midho-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wada-hadallada iyo dib u heshiisiinta u qaabilsan Dowladda Norway Ms. Heidi Johansen oo aan ka wada-hadalanay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xall u helida Arrimaha Somaliland.
Ergayga ayaan warbixin ka siiyay sida ay nooga go’an tahay dib u bilaabidda iyo dardargalinta wada-hadallada Jamhuuriyadda Fedaralka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la wadaagnay in Dowladdeenu ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaadhayo Arrimaha Somaliland.
Dhankeeda Ms. Heidi Johansen ayaa noo muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xilli kasta, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka midho-dhallinta Wada-hadallada Somaliland.”









