Kampala (Arabsiyo) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tagay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaas oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howlgalka midowga Africa ee ATMIS (AMISOM) halkaas oo uu ku soo bandhigi doono go’aanka dowladda ee la wareegista amiga dalka, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
“Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab” ayaa lagu yidhi bayaanka Madaxtooyada.
“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliya ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Al-shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka” ayuu raaciyay bayaanka Villa Soomaaliya.
Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.
Midowga Afrika ayaa bishii hore ee March dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-shabaab.









