Madaxweyne Joe Biden Oo Ku Dhawaaqay Inuu Tartamayo Doorashada 2024-ka

0

USA (Arabsiyo) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa Salaasada Maanta ku dhawaaqay inuu u tartamayo mar kale doorashada Madaxtooyada ee 2024.

Madaxweyne Biden, wuxuu sheegay inuu doonayo ‘inuu dhammeystiro shaqo qabyo ah’ sida uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

“Jiil kastaa wuxuu leeyahay wakhti ay u istaagaan dimuqraadiyadda, si ay ugu istaagaan xorriyaddooda aasaasiga ah, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay annaga, waana sababta aan ugu tartamayo inaan mar kale noqdo Madaxweynaha Mareykanka.”

Madaxweyne Biden oo u muuqda inuu ololihiisa Musharraxnimo bilaabay, ayaa farriin u diray Muwaadiniinta Maraykanka wuxuuna yidhi  “Nagu soo biir, aynu dhammeystirno shaqada’e..”

Madaxweyne Joe Biden, ayaa ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ah, waxaana la filayaa inay mar kale u caleemo-saaraan Musharraxa ugu tartamaya doorashada sannadka soo socda ee 2024-ka.

Biden, ayaa Doorashadii uu ku tagay Aqalka cad, wuxuu kaga adkaaday Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasi oo isaguna xilligan doonaya inuu Xisbiga Jamhuuriga ugu tartamo xilka Madaxweyne ee dalka Maraykanka, wallow Maxkamadi qaadayso dambi loo haysto.

Madaxweyneyaasha Maraykanka, ayaa xilka haya Muddo 4 Sanadood ah, waxayna xaq u leeyihiin inay hal mar oo kale tartamaan.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office