Hargeysa (Arabsiyo) – Guud ahaan Dunida Muslimka ah, ayaa waxa Maanta laga oogay Salaadda Ciidal-fidriga oo Maanta ahayd Maalinteedii koowaad.

Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa subaxdii hore looga dareeray Tukashada Salaadda Ciidda, waxayna Dadweynuhu iskugu soo baxeen Garoomada waaweyn iyo Masaajiddada, goobahaasi oo lagu tukaday Salaadda Ciidda.

Tukashada Salaadda Ciidda, ayaa waxa dadweynaha kala qayb-galay Madaxda kala duwan ee Qaranka, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada iyo Badhasaabbada Gobollada.
Culimada iyo Madaxda Tukashada Salaadda kala qayb-galay Dadweynaha, ayaa waxay u jeediyeen khudbado ku saabsan waaqaca Dalka, Nolosha iyo Nabadgalyada.
Ugu dambayna, waxayna dadweynaha u soo jeediyeen inay is cafiyaan.








