Garaad Jaamac Oo Shidaal Ku Sii Shubay Colaaddii Ka Taagnayd Laascaanood

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Saansaan colaadeeed, ayaa ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Kooxaha Huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood oo horeba ugu jiray diyaar-garow dagaal ka dhan ah Ciidammada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood, ayaa abaabulkooda sii kordhiyey, ka dib markii Garaad Jaamac Garaad Cali uu sheegay inay ciidamada Somaliland la dagaalamayaan wixii ciidda ka danbeeya.

Garaadka oo dawladda Somaliland ku eedaysay inuu masuul ka yahay waxa ka dhacay Laascaanood, ayaa Maanta khudbad uu jeediyey Salaaddii Ciidda ka dib, waxa uu ku sheegay in ay tudhaale ku jireen markii hore, laakiin ciidamada Somaliland aanay waxba la hadhin, isla-markaana ay hadda kadib dagaalami doonaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office