Hargeysa (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdirisaaq Albaani, ayaa ku dhawaaqay in Jimcaha berri ay tahay Maalinta koowaad ee Ciiddal Fidriga.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Caawa Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in bisha Soon-fur bilatay isla-markaana laba qof ay arkeen, sidaa darteedna ay Jimcaha Berri Ciid tahay.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyay Ciiddal Fidriga, isagoo u rajeeyay In Ciiddan teeda ay ku gaadhaan nabad iyo Barwaaqo.
Sidoo kale, Dawladaha Islaamka, sida Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay inay Jimcaha Berri Ciid tahay.









