Abaabul Dagaal Oo Ka Socda Magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, waxa abaabul dagaal ka wada Maleeshiyaadka ee Isku Urursaday.

Kooxahan Huwanta ah oo ka kala yimid meelo kale duwan, ayaa qorshaynaya inay weerar abaabulan ku qaadaan Fadhiisimada Ciidamada Qaranka, ka dib markii ay labadii Maalmood ee u dambeeyay ku soo biireen Maleeahiyaad Hor leh, kuwaasi oo qaarkood ka soo kicitimeen degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag.

Maleeshiyaadka ka yimid Badhan oo wata illaa 7 gaadhi oo Tikniko ah iyo Qori Hoobiye ah, ayaa ilaa Xalay illaa Caawa ku jira diyaar-garow dagaal.

Maleeshiyaadka Badhan ka soo kicitimay oo aan war badan ka haynin Awoodda Ciidamada Qaranka, ayaa Xalay waxay fadhiisimada Ciidammada Qaranka ku tuureen Hal Hoobiye, laakiin Ciidammada Qaranka Somaliland oo feejigan, ayaa si deg-deg ah uga jawaabay isla-markaana Hubka aan Bartilmaameedkiisa seegin la beegsaday goobtii lagaga soo riday Hoobiyaha, waxaana khasaare laxaad lihi soo gaadhay Maleeshiyaadkii Badhan ka yimid iyo Huwantii kale ee halkaa kula sugnaa.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office