Daacish Oo La Sheegay Inay Doonyo Ku Gashay UK 

0

UK (Arabsiyo) –  19 Qof oo looga shakisan yahay in ay argagixiso yihiin, kuwaas oo 5 kamid ah ay Soomaali yihiin,  ayaa galay dalka Britain iyaga oo soo raacay doomo yar yar, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen Daily Mail.

Dadka ajnabiga ah ee lala xidhiidhinayo kooxo ay ka mid tahay Daacish ayaa si sharci darro ah ku gaadhay Boqortooyada Ingiriiska iyagoo ka yimid waqooyiga Faransiiska sannadkii hore.

Intooda badan ayaa tan iyo markii ay dalka UK ku galeen dacwadaha magan-gelyo ah, waxay awood u leeyihiin inaan la masaafurin karin, qayb ahaan, sida ay dhigayaan sharciyada xuquuqda aadanaha.

19-ka nin ayaa hadda la rumeysan yahay inay deggan yihiin hoteello ku yaala Ingiriiska, kuwaas laga bixiyo canshuurta muwaadiniinta dalkaas.

Qaar ka mid ah 19-ka tuhmane ayaa hadda waxaa ilaalo ka haya waaxda Amniga ee MI5, iyo booliiska la dagaallanka argagixisada.

Shan ka mid ah tuhmanayaasha argagixisada ah ee yimid sannadkii hore waxay u dhasheen Ciraaq, shan ka mid ah waxay u dhasheen Iran, afar waxay u dhasheen Afgaanistaan, afar ka mid ah waxay u dhasheen Soomaaliya iyo mid Liibiyaan ah.

Toddobada ka mid ah kuwa ay baadhista ku socoto, ayaa shan ka mid ah waxaa lala xidhiidhinayaa inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Laamaha ammaanka ee Ingiriiska ayaa aqoonsaday qaar badan oo ka mid ah 19-ka looga shakisan yahay argagixisanimada iyadoo loo marayo meelaha ay ka yimaaddeen.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office