Laascaanood (Arabsiyo) – Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sarreeya Guuto Mahad Cambaashe Cilmi, ayaa ka hadlay Dilalkii labadii bilood ee u dambeeyay ee Ciidamada Qaranku ka maqnaayeen ka dhacay gudaha Laascaanood.
Taliye Mahad Cambaashe oo caawa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in 2-dii bilood ee Ciidammada Qaranku dibedda kaga maqnaayeen Magaalada Laascaanood ay dhaceen Dilal ka badan 11 Qof, laguna kufsaday 5 Dumar ah, halka laga bililiqaystay hantidii reer Laascaanood.
War-saxaafadeedka ayuu Mahad Cambaashe ku sheegay in Magaaladu aanay sidaa sii ahaan doonin, balse ay Ciidammada Qaranku si deg-deg ah uga sifayn doonaan Maleeshiyaadka gabbaadka ka dhiganaya guryihii dadka Shacabka ahi ka qaxeen.
War-saxaafadeedka oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan “Labadaii bilood ee ciidamada qaranka Somaliland kaga maqnaayeen gudaha magaalada Laascaanood sidii xal nabad ah loo gaadhi lahaa waxa magaalada Laascaanood ka dhacay 11-dil, 5 kufsi iyo boob tiro dhaaf ah oo hantiidii ganacsatada iyo guryaha tiileyba aan la dhaafin, iyadoo Laascaanood hoy u noqotay khamriga iyo mukhaadaraad aan xad lahayn.
Maanta dadkii la khalday ee reer Lascaanood waxay si fiican u garanayaan xumaha ay dhaxal-siiyeen maan-laawayaashii dhiiggooda, caarkooda iyo sharaftoodaba iibsadey ee ku ciyaaray.
Haddaba, Waxaan reer Laascaanood ugu bushaaraynaa in Ciidamadiinii Qaranku si deg-deg ah idiinka sifayn doono Wuxuushta sharaftiina, maalkiina iyo dhiiggiinaba dhulka ku daray.
Waxaan fursad digniin kama dambays ah u sheegayaa kooxaha huwanta ah ee tamar-daridu dhaxalsiisay inay Gabbaad ka dhigtaan guryihii ay ka qixiyeen shacabkii reer Laascaanood, inay si deg-deg ah uga baxaan gudaha Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool..”









