Wefti IRAN Ka Socda Tagay Sucuudiga 

0

Riyaadh (Arabsiyo) – Wafdi reer IRAN ah ayaa gaadhay dalka Sacuudi Arabiya si ay u diyaariyaan dib u furista safaaraddii dalkaas ee Sacuudiga.

Tallaabadaas ayaa ka dambeysay booqasho tan la mid ah oo uu Tahran ku tagay wafdi Sacuudi ah Sabtidii .

Labada dal ayaa qorsheynaya in ay soo celiyaan xidhiidhka diblomaasi inta lagu jiro toddobbadyada soo socda taas oo ka dambeysay heshiis ay ka shaqeeyeen Shiinaha bishii hore .

Labada dal oo hore cadow isugu ahaa ayaa xidhiidhka kala goosty 2016kii taas oo ka dambeysay markii sacuudigu daldaleen wadaad Shiica ah .

Sacuudiga iyo Iran ayaa kala taageera Shiicada iyo Sunniga Muslimiinta waxayna isku hayaan goobo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo ku yaalla Suuriya iyo Yemen.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office