Ciidammada Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inay Gawraceen Askar Reer Ukrain Ah

0

Ukrain (Arabsiyo) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyey ciidamada Ruushka kuna tilmaamay “bahalo” ka dib markii uu ka soo muuqday baraha bulshada muuqaal muujinaya askari Ukraine ah oo qoorta laga jarayo.

Muuqaalka ayaa la soo dhigay bar bulsho oo Ruushka taageerta Muuqalkaas oo u muuqday in la duubay qaboobaha .

Muuqaal kale oo soo baxay toddobaadkan ayaa muujiyey labo askari oo Ukraine ah oo la gowracay, Agtoodana uu qosol ka baxayo

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in cidna aanay dafiri Karin arrintaas ayna tahay wax aan la illoobi Karin, wuxuuna ballanqaaday in kuwaas aan la cafin doonin.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in muuqalka uu u muujiyey caalamka ficilada bini aadminimada ka baxsan ee ciidamaada Ruushka loo diyaariyey in ay sameeyaan sida uu yidhi.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office