“Soomaaliya Waxay Sii Ahaanaysaa Khatar..” Joe Biden 

0

USA (Arabsiyo) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda degdegga ah ee ku saabsan Soomaaliya, sababo la xidhiidha amni-darrada ka jirta Soomaaliya.

“Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka,” ayuu Biden ku yidhi hadal uu u jeediyay aqalka Congress-ka.

Falalkii joogtada ah ee budhcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee uu saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran sanadku marka uu ahaa 12-kii April, 2010.

Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xidhiidha dhoofinta dhuxusha, taasi oo dhaqaale ballaadhan ka soo geli jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliya iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ahayd go’aano dhowr ah oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu xafiiska la wareegay ballan qaaday in la dagaalanka Argagixisada uu udub dhexaad u noqon doono dadaallada lagu xasilinayo Afrika.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office