Nigeria (Arabsiyo) – Warbaahinta Maxaliga ah iyo goob joogayaal ku sugnaa badhtamaha Waddanka Nigeria ayaa sheegaya, in ugu yaraan 51 qof ay dhinteen kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen, qowmiyadda Umogidi ee gobolka Benue.
Adakole Daniel, oo ah madaxa kooxaha dhalinyarada ah sheegay, in dadka rayidka ah ay weli duurka ka raadinayaan Meydad kale.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa lagu soo warramayaa, inay ku duuleen qowmiyadda beeraleyda ah, isla-markaana ay toogteen Qof kasta oo ay arkeen.
In kasta oo ciidamada ammaanka lagu soo daabulay gobolka, haddana Muddooyinkii u dambeeyay, waxaa isku dhacayay qowmiyadda beeraleyda ah iyo kuwa xoola dhaqatada ah ee dalka Nigeria.









