Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashada Baarlamaanka Finland

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Doorashada Baarlamaanka Dalka Finland, taasi oo natiijadeeda la shaaciyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Hambalyo u diray Mr. Kimmo Kiljunen oo ka mid ah Saaxiibbada Somaliland ee Dalka Finland, kaasi oo ka mid ah Xildhibaannada ku soo baxay doorashada Baarlamaanka dalkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka oo qoraal arrintan ku saabsan ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan Hambalyeeyo Mr Kimmo Kiljunen oo ah Saaxiib ay Somaliland ku leedahay Dalka Finland, ku guulaysiga doorashada iyo inuu noqday Xubin ka mid ah Baarlamaanka Dalka Finland.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale “Mr Kimmo Kiljunen, wuxuu marar badan soo booqday Hargeysa, waana Saaxiib Somaliland leedahay. Waxaanu rejaynaynaa inaanu mar kale ku aragno Somaliland oo uu mar kale soo booqdo…”ayuu yidhi.

Xildhibaan Kimmo Kiljunen, ayaa dhowr jeer soo booqday Somaliland, waxaanu xilligaa la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan-saylici, Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka.

Waxaana dalka ku soo dhaweysay Wakiilkii hore ee Somaliland u joogtay Finland Marwo Saamiya Muuse.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office