Addis Ababa (Arabsiyo) – Dawladda Federalka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday in ay kala dirayso dhammaan Ciidankii gaarka ahaa ee dawlad deegaannadu lahaayeen ee loo yaqaano Liyuu Booliska.
War-saxaafaddeed ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in dhammaan Ciidamada Liyuu-ga lagu biirin doono ciidanka heer Qaran ee Federaalka Itoobiya.
Warka ayaa lagu sheegay in Askari kasta ay u furan tahay inuu ku biiri karo noocyada kala duwan ee ciidanka Federaalka sida Mileteriga iyo Booliska Federaalka.
Tan ayaa ka dhigan in dawlad deegaanada laga waayi doono Ciidankii caanka ahaa ee Liyuu Bilayska, kuwaasi oo ahaa Askar ay gaar u leedahay Ismaamullada Itoobiya, kuna shaqayn jiray amarka Madaxda dawladda deegaannada.
Kala dirista Ciidamada Liyuu Booliska ee Kilillada Itoobiya, ayaa ku soo beegmaysa Bil ka dib, markii Dawladda Somaliland sheegtay inay Ciidammada Liyuu Booliska ee Kililka Soomaalidu ka qayb-qaateen dagaalka Somaliland lagaga soo horjeedo ka socda Magaalada Laascaanood.









