Hargeysa (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa ka hadlay Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood.
Wasiirka oo hadal ka jeediyey kulan Casho-sharaf ah oo uu la qaatay Madaxda Waaxaha ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland Xalka Colaadda Laascaanood wakhti badan ku bixisay, imikana aaminsan tahay in xalku ku iman karo Wada-hadal.
Wasiir Koore wuxuu ka warramay Sawirkii u muuqday Intaan Colaadda Laascaanood qarxin, kana shaqeeyeen sidii Colaadda Maanta taagan looga hor-tagi lahaa, hase-yeeshee ay dhacday dhibaatadii ay ka digayeen.









