QM Oo War-bixin Ka Soo Saartay Tirada Dadka Ay Soomaaliya Ku Dileen Walxaha Qarxa

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sannadkii 2022-ka walxaha qarxa sababeen dhimashada 1200 qof oo Soomaali ah.

Hadalkan ayaa soo baxay iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Wax-ka-qabashada Miinooyinka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto dedaallada looga cidhib-tirayo khataraha hadhaadiga walxaha qarxa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Soomaaliya ee ururkaasi.

“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliya kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin,” ayey tidhi Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, waxayna intaa ku dartay “Guud ahaan intaas waxaa sii dheer, wasakhowga hadhaadiga walxaha qarxa ayaa caqabad ku ah soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarka iyadoo goobaha wasakhowga ka dhigaysa mid xad dhaaf ah, oo hor-istaagaya helitaanka hab-nololeed iyo adeegyada muhiim ka u ah dadka deegaanka, iyo sidoo kale xannibaadda xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka.”

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki waxa kale oo ay sheegtay “Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi ammaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay Anita Kiki Gbeho.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office