Somaliland Iyo Maraykanka Oo Isku Jawaabay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dowladda Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka Laascaanood, iyo in Somaliland la timaado waddo qeexan oo doorasho lagu gaadhayo.

Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay colaadda ka taagan Laascaanood, waxayna ku baaqday in dhinacyadu xaaladda dajiyaan isla markaana ay isugu yimaaddaan miiska wadahadalka, waxayna sheegtay in sii socoshada colaaddu keenayso in kooxaha xagjir ka ahi ay uga sii daraan xaaladda.

“Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah inay abuuraan xasillooni daro baahsan oo ay uga sii dari doonaan dhibaatada bini’aadantinimo ee socota” ayaa lagu yidhi qoraal dowladda Maraykanka ka soo baxay.

Waxa kale, oo qoraalka lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay soo dhawaynayso Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay sheegtay in ay ka go’antahay in uu Hargaysa ku qaabilo odayaasha dhexdhexaadinta ku howlan.

Maraykanku waxa uu Somaliland ugu baaqay in ay ciidamadeeda dib uga qaado furinta dagaalka, xoogaga kalena waxa uu ugu baaqay in ay ka dhowrsadaan in ay wax weerar ah ku qaadaan ciidamada Somaliland, wuxuuna soo dhaweeyay dhexdhexaadinta ay odayaasha reer Muqdisho wadaan.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku waxa kale oo ay sheegtay inay ka walaacsan tahay dib u dhaca doorashada Madaxtooyada ee Somaliland, waxayna soo jeedisay in miiska la soo saaro qorshihii doorashada.

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Somalilland oo daba socota Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa Caawa soo saartay War-saxaafadeed ay kaga jawaabayso isla-markaana dunida ugu faahfaahinayso waxa ka socda Laascaanood iyo Cidda leh Masuuliyadda sii socoshada Dagaallada.

War-saxaafadeedkaas ayaa Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ku sheegtay in Dawladda Somaliland samaysay dedaallo lagu doonayo in xal lagaga gaadho colaadda Laascaanood, kuwaasi oo ay ka mid tahay inay samaysay Xabad-joojin Hal-dhinac ah iyo Diyaarintq Ergo-nabadeed oo la xaajoota Dadka deegaanka Laascaanood, laakiin arrimahaasi oo dhami ka hirgeli waayeen dhinaca Garaaddada Laascaanood, kuwaasi oo Xukuumaddu sheegtay in laftoodu ay dhibaato ku hayaan Kooxaha Argagixisada ah iyo Ciidamada Puntland ka socda, kuwaasi oo sida Xukuumaddu sheegtay Garaaddada kala wareegay Talada.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay beesha caalamka la wadaagaysaa walaaca ku saabsan shaqaaqada ka sii socota magaalada Laascaanood, ee ka dhalatay dilkii loo gaystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December, ka dib markii ay ciidamada shisheeye soo galeen, iyo weerarro lagu qaaday goobo rayid ah oo ay ka mid yihiin halka ay deganaayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay kaga hadlayeen tabashooyinka bulshada.

Dedaal niyad-sami leh iyo sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqadaasi loona soo celin lahaa xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dibedda uga saartay Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxaanay ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan.

Xukuumaddu waxa kale oo ay taageertay Ergo Nabadeed oo ay wadaan Isimada beelaha Somaliland si ay Wada-hadal u furaan, waxaanay soo dhaweeyeen go’aanka ay dawladaha jaarku ku dhexdhexaadiyeen joojinta colaadda. Si kastaba ha ahaatee, dadkii kiciyay khilaafkan ayaa diiday dhammaan dadaalladaas.

Taas beddelkeeda, waxay sii wadeen hurinta, colaadda iyo war-xumada si ay u sii khalkhaliyaan xasiloonida gobolka, ugana soo horjeestaan ​​qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, ciidamada Somaliland waxa ay ku jireen oo ay iska difaacaayeen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, iyaga oo ku dadaalayay in ay xakameeyaan xasillooni-darrada iyo in ay ka hortagaan waxyeellada dadka rayidka ah.

Ilaa hadda, wada xaajoodkii lala yeelan lahaa hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka ayaa lagu fashiliyay weerarro sii kordhaya oo ay gaysteen kooxo badan oo hubaysan. Kooxahan ayaa isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo barakiciyey Soomaaliya oo uu Maraykanku taageerayo hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada, xubno ka tirsan ciidamada Puntland, iyo ciidamada qaranka Soomaaliya, oo uu ku jiro taliyaha sare ee guutada 4-aad ee Maraykanku tababaray. “Danab Brigade”, oo markii dambe lagu dilay weerar lagu beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland.

Sida dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed, Ciidankuna si is-xakameyn iyo karti-xirfadeed ah ayay ku joogeen.

Iyadoo ay xaaladdan adagi jirto, haddana weli wax jawaab ah lagama helin codsiyadii dawladda Somaliland ee ku aaddanaa taageerada Maraykanka si ay ugu qanciso maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee (imanaya) Laascaanood, ama in odayaasha deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. Taasi waxay keentay in maleeshiyaad hubaysan ay si ciqaab la’aan ah uga hawlgalaan magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey hoggaamiyeyaasha deegaanka ee doonaya inay wada-hadallo siyaasadeed la yeeshaan dawladda, isla markaana u suurto-gelisay jawi (ay ku hawl-galaan).

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar labaad u soo jeedinaysaa dawladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka in ay si wada jir ah shacabka ugala shaqeeyaan soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla-markaana ay gacan ka geystaan ​​sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland.

Waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.

Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyin ka dhaca dalkeena. Sidaa darteed, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay dejiyaan qorshe-hawleedkii doorashada.”

Dhanka kale, Dib u dhaxa doorashada ee uu Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku kaga hadashay War-saxaafadeedkeeda, ayaa waxa ka dareen-celiyey qaar ka mid ah diblumaasiyiinta Maraykanka, kuwaasi oo uu ka mid yahay Ambassador Tibor Nagy.

Tibor Nagy oo Caddaalad-darro ku tilmaamay in Maamulka Biden uu Somaliland ku calaamadiyo ‘Dib u dhac doorasho’, iyada oo Soomaaliya oo uu taageero Maraykanku ay leedahay Taariikh xun.

Nagy oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa qoray “Waa Gardarro, in iyadoon la xusin Soomaaliya oo ay ka jirto Taariikh aad u xun, in Somaliland lagu Calaamadiyo Dib u dhaca doorashada..” ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy.

Tibor Nagy oo soo noqday ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika iyo sidoo kale Safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa ka mid ah Saaxiibbada waaweyn ee Somaliland ku leedahay dalka dibeddiisa.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office