Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhibaatada Maamulka Puntland iyo kooxda G21 ka wadaan Laascaanood sii socoto ay gaadhi doonto Soomaaliya oo dhan, Itoobiya iyo Geeska Afrika.
Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Haddii dhibaatada Laascaanood ka taagan ee ay wadaan maamulka Majeerteeeniya iyo kooxda G21 ee wada burburinta awoodda Somaliland ay sii socoto waxay gaadhi doontaa dhammaan Soomaaliya iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxayna khatar ku noqon doontaa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









